Quraacda waa cunnada ugu muhiimsan ee la cuno, waa shidaalkii uu qofka ku shaqo tagi lahaa, waxaana muhiim ah in cunanda subaxii la cunayo ay noqoto cunno caafimaad leh oo laga fogaado waxyaabaha warshadaysan ama faa'idada lahayn.
Baaritaanno lagu sameeyay caruur iskool ka dhigata dalka ingiriiska, qaarne ay quraacdaan qaarne aanan quraacan ayaa lagu ogaaday in ay caafimaad badan yihiin kuwa soo quraacdo, maxaa yeelay qofka haddii uu shaqo ama waxbarasho galo isagoo jirkisia ay ku yartaay tamarta khaas ahaan gulucose-ka, waxaa aad u yaraato wax soo saarkiisa iyo wax fahankiisaba.
Taas darteed wuxuu jirka judi dheeraad ah ku bixiyaa in uu daboolo baahida maskaxda ay u qabto tamartaas taas oo uu qofka ka qaadi karo caafimaad xumo, mideeda kale oo la arkay ayaa ah dadka aanan quraacan subixii in duhurkii markii la gaaro ay dareemaan madax xanuun iyo wareer taas oo calaamad u ah in maskaxda ay ku yaraatay sonkorta.
Midda kale oo iyadane baritaanka lagu ogaaday ayaa waxay ahayd in dadka aanan quraacan ay ka buuran yihiin dadka quraacdo, waana arrin lid ku ah fikrada la aaminsan yahay oo ah in quraac ka tagista la isku caateeyo.
Marka si aad caafimaad u heshid, cayilna uga badbaadid, joogtee quraacda maalin kasta.
W/Q: Dr. Abdullahi Mahdi

Comments
Post a Comment